Xulka Wales Oo Garaacay Turkey Si Ku Meel Gaadh Ahna Hogaanka Ugu Qabtay Group-kooda.

Kulan ka tirsanaa wareega Group-yada xulka Qaranka Wales ayaa guul qaali ah ka gaadhay xulka Turkey kulan ku dhamaaday 2/0 iyaga oo si ku meel gaadh ah hogaanka ugu qabtay Group-kooda.

Dhanka Kale xulka Turkey ayaa la kulmay guuldaradii 2-aad sidaas darteed waxa sii xumaaday xaalkooda u gudbista wareega Xiga iyo ku soo bixistooda kaalinta 3-aad.

Bilowgii qaybtii hore qaab ciyaareedka labada xul ayaa isku dheeli tirnaa iyada oo tartanka ugu adag kooxaha ku dhexmaray khadka dhexe iyada oo laabda xulba si fiican ku bilowdeen.

Goolhayaha xulka Turkey ayaa fursad halis ah ka badbaadiyay xiddiga Aaron Ramsye isaga oo u diiday goolka fuirtaanka xilli xulka Wales ay halis badan galiyeen goolka Xulka Turkey laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadaha.

Mar kale xiddiga Aaron Ramsey ayaa xulkiisa ka khasaariyay fursad uu Goolhayaha la hor tagay kadib markii uu birta ku dhuftay halka xiddigaha xulka Turkey ayna wax saamayn ah ku lahayn dhinaca weerarka.

Daqiqiadii 43-aad ayuu xulka Wales helay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Aaron Ramsey kaas oo baas wareer ah ka helay kabtankiisa Gareth Bale waxana uu sidaas hogaanka ugu dhiibay xulkiisa isla markaana waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayuu xulka Turkey isku dayay in ay saamayn ku yeeshaan goolka hortiisa halka uu Aaron Ramsey mar kale xulkiisa ka khasaariyay fursad dahabi ah oo uu helay.

Dhanka kale xiddigaha weerarka uga ciyaara xulka Turkey ayaa isku dayay in ay sameeyaan weerar waxana uu xiddiga Burak Yılmaz ee weerarka uga ciyaara xulka Turkey laad xoogan ku laaday goolka xulka Wales laakiin Fursadaas ayaan midho dhal samayn.

Xiddiga Aaron Ramsey ayaa sii waday halista uu ku hayay xulka Turkey waxana uu kubad xoogan ku laagay goolka Turkey laakiin Goolhayayohooda ayaa si fiican u badbaadiyay

Xulka Wales ayaa daqiiqadii 61-aad helay rikoodhe kadib markii khalad lagu galay xiddiga Gareth Bale waxana u Istaagay Kabtanka oo ah Gareth Bale laakiin kubada ayuu cirka mariyay.

15-Kii daqiiqo ee uu dambeeyay ayuu xulka Turkey xoojiyay weerarkooda waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin daqiiqadii ugu dambaysay ayuu xulka Wales dhaliyay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Connor Roberts kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay guushu ku raacday xulka Wales.


Source: laacibfm

SHARE