5 Kooxood Oo Uu Sergio Ramos Ku Biiri Karo Kadib Markii Uu Ka Tagay Real Madrid.

Waxa ay noqon doontaa mid la yaab leh in Sergio Ramos lagu arko maaliyad aan ahayn mida Real Madrid laakiin sidaas ayaa dhici doonta xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu Kabtankoodu isaga tagi doono kooxda Kadib 16 sano oo uu xidhnaa maaliyada kooxda marka uu dhoco heshiiskiisu dhamaadka bishan.

Real Madrid ayaan heshiis cusub la gaadhin xiddiga 35 jirka ah kadib markii ay isku af garan waayeen waxa ay doonayaan iyada oo uu Ramos doonayay 2 sano halka ay Real Madrid doonaysay hal sano.

Xiddiga ayaa Los Blancos ka tagay isaga oo kula guulaystay 5 La Liga, 4 Champions League iyo 2 Copa del Rey waxana shaki la’aan raadin doona kooxo badan oo reer yurub ah.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegay in ay jirto 5 meel oo uu Sergio Ramos ku biiri karo inta lagu jiro suuqa Xagaagan waliba ugu dhaqaaqi karo qaab xor ah.

Kooxaha Man United, PSG, Bayern Munich, Chelsea Iyo Inter Milan ayaa ah kooxaha ilaa haatan lala xidhiidhinayo xiddiga waliba uu midkood ku biiri karo suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE