Chelsea Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Saxiixa Erling Haaland, Maxaa Cusub?

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay haatanba heshiis la gaartay weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa dhaliyay 41 gool 41 kulan oo uu u saftay kooxda Dortmund xilli ciyaareedkii hore waxana la rumaysanyahay in ay kooxo badan oo reer yuru b ah doonayaan saxiixiisa.

Kooxaha Barcelona, Real Madrid, Manchester United, Manchester City & Chelsea ayaa dhamaantood la rumaysanyahay in ay doonayaan saxiixa xiddiga Norway si ay ugu xoojiyaan weerarkooda.

Sida laga soo xigtay suxufiga Ian McGarry Chelsea ayaa Haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Norway taas oo ah talaabo muhiim ah oo ay u qaaday helitaanka saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Blues ayaan wali Dortmund kala heshiin qiimaha xiddiga kaas oo la rumaysanyahay in uu yahay 172 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE