DEG-DEG: Arsenal Oo Laga Diiday Dalab Waali Ah Oo Ay Ka Gudbisay Xiddig Khadka Dhexe Ku Fiican Oo Ka Ciyaara Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in laga diiday dalab 70 milyan ah oo ay ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee James Maddison sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa xiiso xoogan u muujisay saxiixa xiddiga reer England oo ay u doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe ee kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee Leicester City ayaa diidan in ay iska iibiso xiddiga oo muhiim u ah qorshaha kooxda waliba ka iibiso koox kula tartami doonta boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa miiska saartay dalab Rasmi ah laakiin Leicster City ayaa si cad u diiday iyaga oo u sheegay in uuna xiddigu iib ku ahayn qiimo kasta oo ay Gunners miiska saarto.

Maddison ayaa Leicester City u dhaliyay 13 gool oo premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday inkasta oo uu ku dhibaatooday dhaawacyo kooxdana ku bilowday 24 kulan.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE