DEG-DEG: Ashley Young Oo Ku Soo Laabtay Premier League, Kooxdee Ayuu Ku Biiray?

Xiddigii hore ee kooxda Man United Ashley Young ayaa ku soo laabtay Premier League isaga oo ku biiray kooxda Aston Villa ugana yimid kooxda Inter Milan.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay kooxo premier League ah tan ilaa markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Inter Milan.

Laakiin kadib markii uu iska diiday kooxaha Watford iyo Burnley xiddiga ayaa heshiis hal sano ah ugu soo biiray kooxda Aston Villa 10 sano kadib markii uu kaga biiray kooxda Man United.

Xiddiga Young ayaa Aston Villa ku qaatay 5 sano waxana uu u ciyaaray 190 kulan isaga oo u dhaliyay 38 gool wakhtigaas oo joogay kooxda.

Xiddiga ayaa Aston Villa kaga biiray Man United xagaagii 2011 isaga oo ugu biiray 17 milyan oo euro waxana uu Red Devils kula guulaystay koobab badan oo ay ka mid yihiin premier League.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE