DEG-DEG: Ronald Koeman Oo Xaqiijiyay Saxiixa 4-aad Ee Barcelona Suuqa Xagaaga.

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa shaaca ka qaaday in heshiis uu Memphis Depay ku keenayo Camp Nou uu ku dhawaaday inuu dhamaado.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Lyon xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 22 gool 12 kalena caawiye ka noqday 40 kulan oo uu ciyaaray.

Heshiiska xiddiga ee kooxda Lyon ayaa dhici doona maalmo yar kadib waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda taas oo la macno ah in lagu heli karo qaab xor ah.

Barcelona ayaa ah kooxda mudada dheer lala xidhiidhinayay xiddiga uguna cad-cad helitaanka saxiixa xiddiga inkasta oo ay Juventus dalab fiican miiska u saartay.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Koeman ayaa si maldahan u xaqiijiyay in heshiiska xiddiga lagu dhawaaqi doono wakhti dhaw isaga oo sheegay in uu heshiisku dhamaad ku dhawyahay.

“Heshiisku waa mid dhamaad ku dhaw, wali lama saxiixin waxba, waxa aan doonayay saxiixiisa bishii January laakiin hadii ay haatan dhacdo waxa ay noqon doontaa wax fiican, waan oganahay waxa aan isla qaban karno”ayuu Koeman u sheegay Voetbal International.


Source: laacibfm

SHARE