Kevin De Bruyne Oo Guul Soo Laabasho Leh Ku Hogaamiyay Xulka Belguim, Denmark Ayay Garaaceen.

Kulan ka tirsanaa Group B ee tartanka Euro 2020, Xulka Belguim ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Denmark kulan xiiso lahaa oo ay labada xul kala qaybsadeen laabda qaybood ee ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta xulka Denmarka ayaa ahaa midka fiican iyaga oo ka awood badnaa xulka Belguim kuwaas oo ku dhibaatooday in ay saamayn ku yeeshaan ciyaarta.

Xulka Denmark ayaa ku fiicnaa meel walba oo ciyaarta ah hadii ay noqoto weerarka iyo khadka dhexe xilli Belguim ku dhibaatoodeen in ay iska caabiyaan weerarka xulka Denmark.

Daqiqiadii 2-aad ayuu xulka Denmark dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Yussuf Poulsen kaas oo hogaan wakhti hore ah u dhiibay xulkiisa.

Laakiin xulka Denmark ayaa ka faa’iidaysan waayay fursadihii ay heleen qaybtii hore ee ciyaarta xillka xulka Belguim uu madaxa kor u qaadi kari waayay.

Xulka Denmark ayaa helay fursado ay ciyaarta ku dili kareen laakiin fursadahaas kama faa’iidaysan waxana ay ka shaleeyeen fursadihii ka khasaaray dhamaadkii ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Denmark ahaa mid fiican dhanka natiijada iyo dhanka qaab ciyaareedkaba.

Qaybtii dambe ayuu xulka Belguim ku bilowday ciyaarta si dar-dar kadib markii uu tababaraha xulka Belguim soo raaciyay xiddiga Kevin De Bruyne oo kaydka fadhiyay kaas oo ciyaarta wax weyn ka badalay.

Daqiiqadii 54-aad xulka Belguim ayaa dhaliyay goolka bar-baraha waxana caawiye ka noqday Kevin De Bruyne waxana u dhaliyay xiddiga Thorgan Hazard kaas oo ciyaarta ku soo celiyay xulkiisa.

Belguim ayaa helay fursado waali ah waxana fursad walba ka dambeeyay xiddiga De Bruyne isaga oo Romalu Lukaku u sameeyay dhawr fursadood oo cajiib ah.

Daqiiqadii 70-aad ayuu xulka Belguim dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kevn De Bruyne kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa waliba muujiyay saamaynta waalida ah ee uu ku yeeshay ciyaarta

Xulka Denmark ayaa helay dhawr fursad oo fiican laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay gool u badalaan fursadahaas hadii uu Goolhayuhu ka qabto ama hadii ay iska khasaariyaanba.

Xiddiga Martin Braithwaite ayaa ku dhawaaday in uu xulkiisa u dhaliyo goolka bar-baraha kadib markii uu madax cajiib ah birta sare ku dhaftay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Belguim guul soo laabasho leh ku gaadhay waliba badiyay kulankii 2-aad ee tartanka Euro 2020 ee sanadkan.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE