Kulamada Euro 2020 & Copa America 2021 Ee Maanta La Ciyaari Doono

Waxa sii socon doona maanta kulamada Euro 2020 iyo Copa America 2021 oo kulamo xiiso leh la ciyaari doono labada tartan.

Hadii aynu ku horayno tartanka Euro 2020 xulka Ukraine ayaa la ciyaari doona doona xulka North Macedonia kulan soo gali doona 4:00 Galabimo wakhtiga Somaliya.

Dhanka xulka Denmarka ayaa la ciyaari doona xulka Belguim kulan soo gali doona 7:00 Fiinimo wakhtiga Somaliya kulankaas oo ah midka ugu adag maanta.

Ugu dambayn xulka Netherlands ayaa la ciyaari doona xulka Austria kulan soo gali doona 10:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Dhanka Copa America waxa maanta bilaaban doona wareega 2-aad waxana wada ciyaari doona xulalka Brazil iyo Peru kulan soo dhici doona 3:00 Habeenimo wakhtiga Somaliya.


Source: laacibfm

SHARE