Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Heshiiska Lionel Messi.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa kalsooni ku qaba in Lionel Messi uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda Barcelona.

Heshiiska xiddiga reer Argentine ayaa dhici doona dhamaadka bishan ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda Barceloa.

Joan Laporta ayaa Sheegay in wadahalada heshiiska cusub ay si fiican u socdaan waliba ku rajo weynyahay in uu heshiis la gaadho xiddiga 33 jirka ah.

Waxaan jeclaan lahaa inaan iraahdo [Cusbooneysiinta qandaraaska Messi] waa la dhameeyay, laakiin sidaas maahan, ”ayuu Laporta u sheegay suxufiyiinta.

“Wadahadalladu meel wanaagsan ayey marayaan, laakiin wali wax heshiis ah lama gaadhin waxa jirta arimo la xalinayo hadii kuwaas la xaliyo wax walba way xalismayaan”.

“Waxa aan kalsooni ka qabnaa in uu heshiis cusub saxiixi doono sababta oo ah waxa uu doonayaa in uu sii joogo kooxda, waxa aan samayn doonaa wax walba oo suurtagal ah si aan u dhisno koox kooabab u tartanta”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE