Muxuu Bixitaanka Sergio Ramos Ula Macno Yahay Baacsigii Ay Man United Ugu Jirtay Raphael Varane?

Real Madrid ayaa wali dooneysa inay iska iibiso bartilmaameedka Manchester United Raphael Varane inkastoo uu Sergio Ramos ku dhawaaqay in uu isaga tagayo kooxda sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Daafaca 35 jirka ah ee Sergio Ramos ayaa ku dhawaaqay in uu isaga tagi doono kooxda kadib markii uu ka heli waayay kooxda heshiiska uu doonayo isagu.

Idaacada Cadena SER ayaa sheegaysa in uu daafaca reer France ee Raphael Varane wali doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid suuqa xagaagan.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda wali doonaysa in ay iska iibiso xiddiga hadii uu diido heshiis cusub halkii ay xor ku waayi lahayd xiddiga sida Sergio Ramos ay haatan xor ugu waayayso.

Varane ayaa ilaa haatan diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid kadib markii ay kooxdu u soo bandhigtay heshiis uu hoos u dhigayo mushaharka uu kooxda ka qaadanayo.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE