Premier League Oo Caqabad Ku Noqonaya Baacsigii Ay Man City Ugu Jirtay Harry kane, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sii adkaatay helitaanka saxiixa weeraryahanka kooxda Tottenahm ee Harry Kane sida ay sheegayaan wararku.

Bishii hore Man City ayaa si aad ah loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer England iyaga oo u doonaya bixitaanka Harry kane kaas oo ka tagay kooxda markii uu dhacay heshiiskiisu.

Kooxda Man City ayaa ka mid ah kooxo waaweyn oo doonaya saxiixa xiddiga xilli ay Tottenham ku qiimayso xiddiga lacag dhan 150 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaate Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in heshiis walba oo ay Man City ku heli lahayd saxiixa Harry kane in uu sii adkaaday sabab la xidhiidha in ay kooxda Man City ku aaday Tottenham kulankooda ugu horeeya ee premier League xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa sheegaya in ayna Tottenham u ogolaan doonin in ay Man City la wareegto xiddiga Harry Kane ka hor kulankooda premier league taas oo la macno in ayna xagaagan heli doonin saxiixa xiddiga maadama uu suuqa Premier League xidhmi doono todobaad ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE