Ramos, White, Odegaard, Maddison, Memphis, Haaland, Trippier & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Real Madrid marka uu dhoco heshiiskiisu (Marca).

Kooxaha PSG, Man City Man United iyo Sevilla ayaa ah kooxaha ugu cad-cad in ay helaan saxiixa xiddiga Sergio Ramos kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda (AS).

Kooxda Brighton ayaa Arsenal ka diiday dalab lacageed oo dhan 40 milyan oo euro oo ay ku doonaysay daafaca dhexe ee Ben White (Sky Sport).

Kooxda Arsenal ayaa isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard kaas oo sii joogi doona Real Madrid (AS).

Kooxda Arsenal ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee James Maddison  laakiin Arsenal ayaa u baahan in ay bixiso 70 milyan oo euro (Epress).

Xiddiga kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa xaqiijiyay in uu ku biiri doono kooxda Barcelona halka uu sidoo kale tababare Ronald Koeman xaqiijiyay in dhamaystirka heshiiska xiddigu dhawyahay (Sun).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman ayaa doonaya ku biirista premier League kadib markii uu iska diiday heshiis cusub oo ay Bayern Munich u soo bandhigtay (Sky Sport).

Kooxda Chelsea ayaa dalab 60 milyan iyo xiddiga Tammy Abraham miiska u saartay kooxda Dortmund si ay uga hesho saxiixa xiddiga Erling Haaland (Ekrem Konur).

Kooxda chelsea ayaa sidoo kale heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Erling Haaland (Ian McGarry).

Kooxda Inter Milan ayaa Chelsea u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 60 milyan iyo waliba xiddiga Marcos Alonso hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Achraf Hakimi (La Repubblica).

Rajadii ay Man City ka qabtay saxiixa xiddiga Harry Kane waxa joojisay isku aadka kooxaha Tottenham iyo Man City ee maalinta ugu horaysa xilli ciyaareedka premier League (The Telegraph).

Kooxda Atletico Madrid ayaa Man United u sheegtay in ayna qabli doonin wax ka yar 35 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Kieran Trippier (Guardian).

Kooxda Arsenal ayaa Aston Villa ka diiday dalab 25 milyan oo euro oo ay kaga doonaysay xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith Rowe (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw in ay Man City kala wareegto daafaca dhexe ee Aymeric Laporte (Mundo Deportivo).

Daafaca Kieran Trippier ayaa ka cabsi qaba in ay Atletico Madrid u diidi doonto in uu ku biiro Man United xagaagan (Times).

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Chelsea u soo bandhigi doonto saxiixa xiddiga Hakim Ziyech si ay Leicester City uga hesho xiddiga James Maddison (Star).

Xiddiga kooxda Man United ee Donny van der Beek ayaa ku riyoonaya in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo kooxdiisa ku riixi doona in ay u ogolaato in uu qaab amaah ah ugu biiro kooxda xagaagan (Star).

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE