RASMI: Wakhtiga Ay Wada Ciyaari Doonaan Barcelona & Man City Oo La Shaaciyaty.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ku soo laaban doona Camp Nou xagaaga isaga oo hogaaminaya kooxdiisa Man City kulan saaxiibtinimo oo ka dhici doona Camp Nou.

Ugu horayn waxa la filayay in ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Man City koobka Joan Gamper Trophy laakiin arintaas ayaan dhici doonin laakiin labada kooxood ayaa isaga hor iman doonaa kulan saaxiibtinimo ah.

Lacagta laga uruuriyo kulanka waxa la siin doonaa baadhitaanka uu samaynayo Halyeeyga kooxda Barcelona ee Juan Carlos Unzue.

Idaacada RAC1 ayaa sheeaysa in uu kulankan noqon doono kulankii ugu horeeyay ee uu Guardiola ku soo laabto Camp Nou muddo dheer kadib iyada oo labada kooxood ciyaari doonaan kulanka 19 bisha August.

Xiddigaha Eric Garcia iyo Sergio Aguero ayaa dhankooda ka hor iman doona kooxdoodii hore ee Man City kulanka marka ay isaga hor iman doonaan garoonka Camp Nou.

Kulanka ayaa dici doona maalmo kadib marka ay Man City la ciyaarto kooxda Tottenham kulankooda ugu horeeya ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE