Real Madrid Oo Arsenal Heshiis Isku Badalasho Ah Ugu Soo Bandhigtay Saxiixa Martin Odegaard, Xiddiga Ay Real Doonaysay & Jawaabtii Ay Arsenal Bixisay Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal heshiis isku badalasho ah ugu soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Real Madrid ayaa Arsenal ka doonaysay saxiixa xiddiga da’yarka ah ee Emile Smith Rowe kaas oo uu Tababare Carlo Ancelotti aad u qiimeeyo taageero weyn-na u yahay.

Warayska cbssports ayaa sheegaya in ay Arsenal isla markiiba diiday kadib markii ay Real Madrid u soo bandhigtay in ay qaab toos ah isku dhaafsadaan labada xiddig ee Emile Smith Rowe iyo Odegaard inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga Emile Smith Rowe oo 21 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhiay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal.

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaana doonayay xiddiga reer England in uu ku badasho xiddiga Odegaard kaas oo aan ka mid ahayn qorshihiisa kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE