Sababta Uu Sergio Ramos U Go’aansaday In Uu Isaga Tago Real Madrid.

Sannad ka hor, waxay ahayd wax aan la malayn karin in Sergio Ramos uu ka tago Real Madrid.

Laakiin Bur-burka xidhiidhka Madaxweyanaha kooxda ee Florentino Perez ayaa keentay mid aan la yaab ahayn in uu kabtanku isaga tago kooxda.

Bishii Janauary madaxweynaha iyo kabtanka ayaa miiska wadahalada fadhiistay si ay isula meel dhigaan heshiis cusub iyada oo heshiisa Ramos dhici doono dhamaadka bishan June.

Laakiin wadahadaladaas ayaa bur-buray waxana ay bilow u ahayd xidhiidhka xun ee labada shaqsi taas oo Ramos ku riixday in uu isaga tago kooxda.

Sergio Ramos ayaa doonayay in uu helo heshiis 2 sano ah marka loo eego in uu daacad u ahaa kooxda waliba shaqo fiican u soo qabtay kooxda.

Laakiin Florentino Perez ayaa doonayay in uu kaliya ka saxiixdo xiddiga heshiis hal sano ah iyo waliba in hoos loo dhigayo mushaharkiisa taas oo keentay in uu Ramos diido dalabkaas.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE