Sergio Ramos Oo Haatanba Magacaabay Laba Koox Oo Uuna Ku Biiri Doonin Kadib Markii Uu Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Real Madrid.

Daafica Kooxda Real Madrid ahna kabtanka kooxda ee Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday mowqifkiisa ku aadan suurtogalnimada inuu ku biiro Barcelona ama Sevilla ka dib markii uu ka tagay qalcaddii “Santiago Bernabeu”.

Daafaca dhexe ee Sergio Ramos ayaa si rasmi ah uga tagay Real Madrid ka dib 16 sano oo uu Los Blancos ka dib markii uusan wax heshiis ah la gaarin maamulka uu hogaaminayo Florentino Perez.

Markii Xiddiga reer Spain wax laga weydiiyay shirkiisa jaraa’id suurta galnimada inuu u dhaqaaqo Barcelona ama Seville, wuxuu yiri: “Weli kama aanan fikirin kooxda aan aadi doono, waxaan xor ahaa tan ilaa bishii January, waxa ii yimid dalabyo kooxo badan ah”.

“Ma doonayn in aan ka tago kooxda Real Madrid laakiin haatan waan ka tagi doonaa hadda kadib waxaan raadin doonaa koox cusub, laakiin hadda kuma fikirayo inaan ku laabto Sevilla”

“Dhinaca Barcelona waxa aan hadal dheer ugu odhan karaa Maya”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE