Tababaraha Xulka Italy Roberto Mancini Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Tartanka Euro 2020.

Tababaraha Xulka qaranka Italy ee Roberto Mancini ayaa sheegay in France, Portugal iyo Belgium yihiin kuwa ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Euro 2020 sanadkan marka loo bar-bar dhigo xulkiisa Italy.

Hadalka Mancini ayaa yimid kadib markii uu xulka Italy goostay Tigidhkiisa wareega Group-yada tartanka Euro 2020 kadib markii ay 3/0 ku garaaceen xulka Switzerland.

Qaabkii uu Xulka Italy u garaacay xulka Switzerland ayaa kor u qaaday rajada Taageerayaasha xulka Italy kuwaas oo aaminsan in ay ku guulaysan karaan tartanka laakiin mancini ayaa uga digay arintaas.

Mancini oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Tartanka Euro-da sanadkan waxa ugu cad-cad xulalka France, Portugal, iyo Belguim kuwaas midkood ayaana ku guulaysan kara”.

“Xulalkaas waxa la soo dhisayay muddo sanado ah waana arin caadi ah in ay ku guulaystaan koobka laakiin kubada cagta wax walba way dhici karaan sidaas darteed ma ahan in aad wax walba isa siiso”.


Source: laacibfm

SHARE