Wakhtiga Ay Arsenal Dhamaystiri Doonto Labadeeda Saxiixa Ee Ugu Horeeya Oo La Ogaaday.

Arsenal ayaa rumeysan inay ku dhowdahay heshiisyo ay kula soo wareegeyso xiddigaha Ben White iyo Albert Sambi Lokonga, iyadoo Gunners ay rajo ka qabto inay dhameystirto bishaan.

Gunners ayaa laga diiday dalab lacageed oo dhan 40 milyan oo ay ka gudbisay xiddiga Ben White laakiin Gunners ayaa la sheegayaa in ay kula soo laaban doonto dalab cusub.

Sidoo kale Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Anderlecht ee Lokonga, Kooxda reer Belguim ay haatanba Arsenal ka diiday dalab lacageed oo dhan 12.9 milyan euro.

Anderlech ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso ku dhawaad 18 milyan oo euro Arsenal ayaana sugi doonta ilaa inta ay iska iibinayso xiddiga Granit Xhaka si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Lokonga.

Sidaas darteed Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay bishan June dhamaystirto labada saxiix kana dhigto saxiixyadooda ugu horeeya suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE