Xulka Netherland Oo Garaacay Austria Kulan Dhinac Kaliya Ahaa.

Kulan ka tirsanaa Group-ka C ee wareega Group-yada tartanka Euro 2020 Xulka Netherland ayaa garaacay xulka Austria kulan Dhinac kaliya ahaa oo uu xulka Maaliyada Liimiga ah ku ciyaarayay fiicnaa.

Xulka Netherland Ayaa sii waday qaab ciyaareedkooda fiican iyo guulaha tartanka Euro 2020 iyaga oo u awood sheegtay xulka Austria kuwaas oo ku dhibaatooday in ay gaadhaan goolka xulka Netherland.

Labada xul ayaa ciyaarta soo galay iyaga oo badiyay kulankoodii hore waxana ay isha ku hayeen in ay gaadhaan guushoodii 2-aad ee tartanka Euro 2020.

Xulka Netherland ayaa ciyaarta ku bilowday qaab ay ka go’antahay in ay badiyaan waliba jeebka ku shubtaan 3-da dhibcood ee ciyaarta xilli xulka Austria difaac ku bilowday.

Daqiqiadii 11-aad ayaa xulka Netherland loo dhigay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Memphis Depay kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Xulka Austria ayaa si xad dhaaf ah ugu dhibaatooday in ay gaadhaan goolka xulka Netherland iyaga oo aan xitaa hal laad ah ku laagin goolka qaybtii hore ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Netherland wax walba ku fiicnaa xulka Austria-na aad ugu dhibaatoodeen.

Qaybtii dambe ayuu xulka Netherland ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan waliba dhaliyaan goolal kale oo ay ku hubsadaan 3-da dhibcood ee ciyaarta.

Dhanka kale xulka Austria ayaa si weyn ugu dhibaatooday goolka hortiisa iyaga oo aan wax halis ah galin difaacyada iyo Goolhayaha xulka Netherland kuwaas oo fasax isaga jiray.

Daqiiqadii 67-aad ayuu xulka Netherland dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Denzel Dumfries kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulka Netherland ku hogaaminayo.

Xulka Austria ayay ku qaadatay daqiiqadiin 84-aad in ay halis galiyaan goolhayaha xulka Netherland markii ugu horaysay ee ciyaarta kadib markii ay madax fiican la heleen kubad laakiin Goolhayaha Netherland ayaa ku raaxaystay kubada.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Netherland gaadhay guushii 2-aad ee tartanka Euro 2020 iyaga oo muujiyay in ay yihiin xul u tartami kara koobka.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE