Xulka Ukriane Oo Garaacay North Macedonia Guulna Gaadhay Kulankoodii 2-aad.

Kulan ka tirsana Group-ka C xulka Ukraine ayaa garaacay xulka North Macedonia kulan ku dhamaaday 2/1 ah xilli uu xulka Ukraine din u nooleeyay rajadooda wareega xiga ee tartanka Euro 2020..

Qaybtii hore ee ciyaarta xulka Ukraine ayaa maamulayay ciyaarta xilli xulka North Macedonia difaac ku jireen oo ayna waliba wax khatar ah galin xiddigaha xulka Ukraine.

Xulka Ukraine waxa ka maqnaa dhamaystirka fursadaha kadib markii ay heleen fursado aad u badan oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan waxana fursada ugu khatarsan khasaariyay xiddiga Andriy Yarmolenko.

Xiddigaha xulka Ukraine ayaa sii waday maamulista ciyaarta laakiin waxa ay dhaafi waayeen difaaca xulka North Macedonia kuwaas oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 29-aad ayuu xulka Ukraine jabiyay difaaca xulka North Macedonia waxana goolka u dhaliyay xiddiga Andriy Yarmolenko kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta kana dhigay 1/0 ay ku hogaaminayaan.

Xulka Ukraine ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayaan goolka kale xilli xulka North Macedonia difaaca ka baxay si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta.

Daqiqiadii 35-aad ayuu xulka Ukraine helay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Roman Yaremchuk kaas oo xulkiisa u dhaliyay goolka 2-aad waxana sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayuu xulka North Macedonia isku dayay in uu ciyaarta wax ka badalo waxana uu smaeeyay badalo wakhti hore isaga oo doonayay in uu xulkiisu ku soo laabto ciyaarta.

Daqiiqadii 55-aad ayaa xulka North Macedona loo dhigay rikoodhe waxana gol u badalay xiddiga Ezgjan Alioski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 isla markaasna dib u furay ciyaarta.

Xulka Ukraine ayaa dhankooda rikoodhe helay laakiin waxa si cajiib ah rikoodhadaas u qabtay Goolhaya xulka North Macedonaya kaas oo xulkiisa ciyaarta ku sii hayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Ukraine gaadhay guul qaali ah oo 2/1 ah kadib markii kulankii hore laga badiyay.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Caadooyin Maalinle Ah Oo Sabab U Noqda Hoos U Dhaca Rabitaanka Kulanka Sariirta Ragga, Ka Fogow Ninow.


Source: laacibfm

SHARE