Arsenal Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Heli Karto Saxiixa James Maddison & 3-da Xiddig Ee Ka Caawin Kara Qorshahaad.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee James Maddison ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday kooxda Arsenal suuqa xagaagan.

Kooxda Arsenal ayaa haatanba ku fashilantay dalab furitaan ah oo dhan 70 milyan kaas oo ay ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee James Maddison kaas oo uu Mikel Arteta u doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.

Wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in ay Arsenal diyaarisay qorshe ay ku doonayso saxiixa xiddiga james Maddison kaas oo ay dhaqan galinayso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarinayso in ay iska iibiso 3 xiddig oo kooxda 1-aad ah si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Maddison inta lagu jiro xagaagan.

Xiddigaha Granit Xhaka, Emile Smith Rowe Iyo Hictor Bellerin ayaa ah 3-da xiddig ee Ay Arsenal doonayso in ay iska iibiso si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo saxiixa James Maddison suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE