Kieran Tierney Oo Go’aan Weyn Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal.

Xiddiga Kieran Tierney ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Arsenal waliba qalinka ku duugo heshiis cusub oo 5 sano ah sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Scotland ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Arsenal tan ilaa markii uu Mikel Arteta noqday tababaraha kooxda waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Sida laga soo xigtay Football.London, inkasta oo ay Arsenal Gabi ahaan ka maqnaan doonto tartamada yurub xilli ciyaareedkan hadana Tierney ayaa diyaar u ah in uu sii joogo kooxda waliba heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Tierney ayaa haatan xulka qarankiisa kaal qayb galaya tartanka Euro 2020 waxana uu seegay kulankii furitaanka ee xulkiisa laakiin waxa la filayaa in uu ciyaaro kulanka England.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Arsenal kuwaas oo ka cabsi qabay in uu xiddigu codsado in uu isaga tago kooxda sabab la xidhiidha tartan la’aanta yurub.


Source: laacibfm

SHARE