Man City Oo Go’aan Ka Gaadhay U Dhaqaaqista Sergio Ramos

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ayna ka fikirayn in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Sergio Ramos sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 35 jirka ah ayaan heshiis cusub u saxiixin kooxda Real Madrid waxana la xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda marka uu dhoco heshiiskiisu dhamaadka bishan.

Kadib markii ay Eric Garcia u wayday Barcelona sidoo kale Aymeric Laporte lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona Guardiola ayaa la filayay in uu u dhaqaaqo saxiixa daafaca Sergio Ramos.

Laakiin wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ayna City wax xiiso ah u qabin u dhaqaaqista saxiixa Sergio Ramos xitaa hadii uu qaab xor ah uga tagayo kooxda Los Blancos.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man City muhiimada siin doonto la saxiixashada weeraryahan cusub halkii ay u dhaqaaqai lahayd saxiixa Sergio Ramos suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE