Man United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Raphael Varane & Real Madrid Oo Ka Jawaabtay Dalabkaas.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid Miiska u saartay dalabkii ugu horeeyay ee ay ku doonaysay daafaca dhexe ee Raphael Varane sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca dhexe ayaa haatan xulka qarankiisa France kala qayb qaadanaya tartanka Euro 2020 laakiin waxa uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid.

Varane ayuu haatan 12 bilood oo kaliya uga hadhay heshiiskiisa Real Madrid umana muuqdo mid heshiis cusub u saxiixaya kooxda Real Madrid taas oo la macno ah in ay kooxdu iska iibin doonto xagaagan hadii uuna heshiis cusub saxiixiin.

Man United ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer France iyaga oo doonayay in ay ka garab ciyaarsiiyaan kabtankooda Harry Maguire xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Manchester Evening News ayaa haatan sheegaya in ay Red Devils dalab 50 milyan oo furitaan ah miisak u saartay kooxda Rea Madrid si ay u helaan xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyaga oo u sheegay in ay dalabkooda kor ugu qaadaan 80 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE