Man United Oo Qarka U Saaran Dhamaystirka Saxiixa Jadon Sancho

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay 75 milyan oo Euro kula soo wareegto weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Xiddiga reer England ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay kooxda Man United iyada oo Man United diiday in ay bixiso lacagtii 120 milyan ahayd ee ay Dortmund doonaysay in ay ku iibiso xiddiga xagaagii hore.

Kooxda Dortmund ayaa haatan hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga Sancho laakiin Waxa ay United ka diiday dalab furitaan ah oo dhan 67 milyan oo euro laakiin United ayaa haatan la fahamsanyahay in ay dalab cusub ka gudbisay xiddiga.

Sida laga soo xigtay The Mirror, United ayaa kalsooni weyn ku qabta inay saxiixa xiddiga Sancho dhamaystiri doonto ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub iyaga oo waliba filaya in ay 75 milyan kula wareegto xiddiga.

Kooxda Dortmund ayaa doonaysa in la dhamaystiro saxiixa xiddiga Sancho ka hor dhamaadka bisha July ee soo socoto ka hor inta ayna kooxdu bilaaban tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.


Source: laacibfm

SHARE