Paul Pogba Oo Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man United & Wadahadalo Uu La Furay Kooxda Uu Ku Biiri Doono.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Iyada oo uu wakiilkiisu wadahadalo la bilaabay kooxda PSG.

Wargayska RMC Sport aya sheegaya in uu wakiilka xiddigu la kulmay milkiilaha kooxda PSG si uu ugala hadlo ku biirista xiddiga ee kooxda reer France inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Heshiiska Paul Pogba ee Man United ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana uu ilaa haatan diidan yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Red Devils.

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay Pogba ka dhigto saxiixyadeeda suuqa xagaagan xiddiga ayaana Man United u sheegay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin.


Source: laacibfm

SHARE