Qorshaha PSG Ay Chelsea Ugu Garaacayso Saxiixa Achraf Hakimi Oo La Ogaaday

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag ka badan mida ay Chelsea ku doonayso xiddiga Inter Milan ee Achraf Hakimi sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Morocco ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Inter Milan laakiin wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan iska iibinayso xiddiga xagaagan.

Kooxaha chelsea iyo PSG ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga iyda oo labada kooxoodba ka gudbiyeen xiddiga dalabyo ay Inter Milan soo diiday.

Kooxda chelsea ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay dalab lacageed oo dhan 60 milyan si ay u hesho saxiixa xiddiga xiddiga Achraf Hakimi.

Laakiin wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in ay PSG diyaaarinayso dalab lacageed oo dhan 70 milyan oo euro xilli ay chelsea diidantahay in ay bixiso lacagtaas.


Source: laacibfm

SHARE