Real Madrid Oo Ku Ciyaaraysa Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Xagaaga & Ramos Oo Sabab U Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ku cidhiidhinayso saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Brighton & Hove Albion ee Ben White sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 23 jirka ah ee Ben White ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal iyada oo Gunners haatanba laga diiday dalab lacageed oo dhan 40 milyan oo euro.

White ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Brighton laakiin Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa in ay bixiso qiimaha ay Brigton doonayo.

Sida laga soo xigtay Wararka ka imanaya Spain Real Madrid oo dhawaan fasaxday Sergio Ramos ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga 50-ka milyan lagu qiimeeyo.

Kooxda Real Madrid ayaa White u aragta badalka Sergio Ramos tababare Ancelotti ayaan doonaya in uu xiddiga la soo wareego inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.


Source: laacibfm

SHARE