Sergio Ramos Oo Koox Lama Filaan Ah Wadahadalo Kula Jira Kadib Markii Uu Ka Tagay Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa durba wadahadalo la galay kooxdiisa cusub ee uu ku biiri doono sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Ramos ayaa shalay macasalaameeyay kooxda Real Madrid kadib 16 sano oo uu u ciyaarayay kooxda kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waayay kooxda Real Madrid.

Heshiiska Ramos ayaa dhici doona todobaadka dambe waxana uu qaab xor ah ugu biiri doonaa kooxda uu doonayo kadib markii uu isaga tagay kooxda Real Madrid.

Saxafiga reer Spain ee Josep Pedrerol ayaa qarxiyay lama filaan kadib markii uu sheegay kooxda uu Sergio Ramos wadahalo kula jiro si uu ugu biiro suuqa xagaagan.

Ramos ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Man United, Inter Milan, PSG, Chelsea iyo kooxo kale oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

Laakiin Josep Pedrerol ayaa sheegay in uu Sergio Ramos wadahadalo kula jiro kooxda Ac Milan si uu ugu biiro kooxda Reer Italy inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE