Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliya Oo Saacado Ka Hor Tartanka FIFA Arab Cup Shaqada Ka Caydhiyay Tababaraha Xulka Qaranka.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, ayaa ayaa ku dhawaaqay in ay shaqada ka caydhiyeen tababare Abdellatif Salef Saacado ka hor inta uuna xulku ka qayb galin tartanka FIFA Arab Cup 2021.

xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa Tababare Abdellatif Salef oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Marocco laakin qaatay Dhalasho dalka Belguim ah shaqada ka caydhisay 3 todobaad kadib markii ay xilka u magacaabeen.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in tababaraha  uusan lahayn Anshax  sidoo kale ay ka maqantahay xirfadnimada uu u baahanyahay xulka qaranku Sidoo kale xiriirka ayaa sheegay in uu tababaruhu aflagaadeeyo xiddigaha xulka sidoo kale uu si xun ula dhaqmay tan ilaa markii uu xilka qabtay.

Go’aanka shaqo ka caydhinta tababaraha ayaa imanaysa saacado ka hor marka uu xulka qaranka Somaliya ka qayb qaadan doono is reeb-reebka koobka FIFA Arab Cup 2021 kaas oo ay ka hor tagi doonaan xulka Oman.


Source: laacibfm

SHARE