Xulalka Croatia iyo Czech Republic Oo Ku Heshiiyay Bar-Baro

Kulan ka tirsanaa Group-ka D ee Wareega Group-yada tartanka Euro, xulalka Croatia iyo Czech Republic ayaa ku kala baxay bar-baro 1/0 ah kulan labada xul kala qaybsadeen labada qaybood.

Qaybta hore ee ciyaarta xulka Croatia waxa uu isku dayay inay xakameeyaan kulanka daqiiqadaha ugu horeeya, laakiin waxay ku guuldareysteen inay soo taabtaan shabaqa xulka Czech Republic halka uu xulka Czech Republic qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Xiddiga Patrik Cech ayaa daqiiqadii 37-aad hogaanka u dhiibay xulka Czech Republic kadib markii rikoodhe loo dhigay kadib markii uu xiddiga Dejan Lovren gacanta ku taabtay kubada isaga oo madax boodaya.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Czech Republic hogaaminayo natiijada laakiin xulka Croatia ahaa midka maamulaya ciyaarta dhanka kubad hasashada.

Qaybtii dambe xulka Croatia ayaa dhaliyay gool wakhti hore ah oo ahaa goolka bar-baraha kadib markii uu xiddiga Ivan Perisic dhaliyay goolka 2 daqiiqo kadib bilowgii qaybta dambe ee ciyaarta.

Labada xul ayaa iska khasaariyay fursado badan oo ay heleen taas oo keentay in uu kulanku ku dhamaado bar-baro 1/1 ah kulan uu xulka Croatia helay dhibicdii ugu horaysay halka xulka Czech Republic helay dhibicdii 4-aad.


Source: laacibfm

SHARE