Argentina Oo Guul Ka Gaartay Uruguay Xilli Messi Iyo Suarez Iska Hor Yimaadeen

Argentina ayaa guul hal gool ah ka gaartay Uruguay xilli qeybta labaad ciyaarta aheyd mid lagu caajiso

Sheekada labada qeyb :Argentina iyo Uruguay ayaa nasiinnada ku aaday natiijo hal gool ah oo ay laheyd Argentina xilli saaxibada Messi biloowgii ku wacnaayeen cadaadiska

Ka dib biloowgaas , waxa ay ciyaarta noqotay mid si isugu dheeli tiran labada qaran waxaana Argentina laga diiday gool sababo la xariira qalad ka horeeyay .

Argentina dhowr fursad waxaa u diiday goolhayaha Uruguay , waxaana xusid mudan in Messi si wacan u dhaqaaqayay waliba dagaal ugu jiray ka shaqeynta gool

Uruguay waxa ay ku wacnaayeen kubadaha rogaal celiska waxa ayna qeybta hore ku doodeen in aan loo dhigin rigoore ay lahaayeen.

Qerybta labaad , Argentina wax yar waa laga fiicnaa waxaana kubad haysashada ku sareysay Uruguay balse ma jirrin halis gilin muuqatay .

Qeybta labaad waxa ay Argentina u muuqdeen kuwo laga haystay qadka dhexe waxa ayna Uruguay kubada ku hayeen aagga goosha saaxibada Messi .

Inkastoo cadaadis ay sameynayeen Uruguay hadana ma aysan tageyn goosha Argentina kuwaas oo daafac adag ciyaaray wax ayana guud ahaan qeybta labaad aheyd mid aan xaraarad laheyn .
Fursadii ugu halista badneyd ee Uruguay wax aay aheyd daqiiqadii 69-aad ka dib goolka bar bar dhaca oo uu qasaariyay uarez

Argetina dhamaadkii taxadar ayay ku jireen xili Di Maria oo badal ku soo galay dadaal bixinayay balse daafac ayaa hor taagnaa

Si waliba waxa ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Argentina ku gaareen guusha


Source: laacibfm

SHARE