Arsenal Oo Dalab Ka Gudbinaysa Xiddig Lala Xidhiidhinayay Xagaagii Hore.

Kooxda Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar kaas oo lala xidhiidhinayay suuqii xagaagii la soo dhaafay.

Arsenal ayaa xagaagii hore doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar laakiin Heshiiska ayaa dhici waayay sabab la xidhiidha in ay Lyon doonaysay lacag aad u badan.

Laakiin Lyon ayaa la sheegayaa in ay haatan hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer France taas oo keentay in ay Arsenal dib u soo cubsonaysiisay xiisaha xiddiga khadka dhexe.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Arsenal haatan diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 23 milyan oo euro kaas oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar.

Sidoo kale wargayska ayaa sheegaya in ay Gunners xiddiga u diyaarisay mushahar todobaadle ah oo dha 115 kun oo Gini todobaadkii si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE