Arsenal Oo Iska Iibinaysa Pierre-Emerick Aubameyang, Sababta Ay U Iibinayso & Badalkiisa Oo Ay Ka Heshay Premier League.

Koxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang sabab la xidhiidha in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo weeraryahan da’yar ah sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin U calaamadsatay badalka Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ay u aragto badalka ugu macquulsan.

Gunner ayaa doonaysa in ay wax ka badasho weerarkeeda suuqa xagaagan kadib markii ay kooxdu ku dhibaatootay goolka hortiisa xilli ciyaareeedkii dhamaaday.

Wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Arsenal badalka Pierre-Emerick Aubameyang u calaamdsatay xiddiga 24 jirka ah ee weerarka uga ciyaara kooxda Everton ee Calvert-Lewin.

Calvert-Lewin ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday dhaliyay 21 gool tartamada oo dhan isaga oo kaligiis ka goolal badan dhamaan xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda Man City.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali Ninka Doonayo In Uu 4-tan Arin Darteed Kuu Guursado.


Source: laacibfm

SHARE