Arsenal oo Lambar Cusub Siinaysa Thomas Partey Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay lambar cusub siin doonto xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Xiddiga reer Ghana ayaa Arsenal kaga soo biiray Atletico Madrid xagaagii hore markaas oo ay Arsenal kula soo wareegtay lacag dhan 45 milyan oo euro.

Partey ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay sabab la xidhiidha dhaawacyo dhawr mar soo gaadhay.

Arsenal ayaa si kasta ha ahaatee xiddiga 28 jirka ah u aragta xiddig muhiim u ah kooxda xilli ciyaareedka dambe iyada oo lagu badali doono xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka.

Sida laga soo xigtay Citisports, xiddiga Partey ayaa Arsenal xilli ciyaareedka dambe u xidhan doona Lambarka No.5 isaga iska badali doono No.18 oo uu haatan kooxda u xidho.

Partey ayaa markii uu kooxda ku soo biiray doonayay in uu xidho Lambarka No.5 laakiin waxa markii uu yimid kooxda lambarkaas u xidhanayay xiddiga Sokratis Papastathopoulos kaas oo suuqii January ka tagay kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali Ninka Doonayo In Uu 4-tan Arin Darteed Kuu Guursado.


Source: laacibfm

SHARE