Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Sameeyay Inkasta Oo Xulkiisa La Xasuuqay

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa sameeyay taariikh inkasta oo la xasuuqay xulkiisa Portugal waliba dhulka lagu jiiday kulan ay guuldaro kala kulmeen xulka Qaranka Germany.

Xiddiga Cristiano Ronaldo Ayaa furay goolasha kulanka isaga oo xulkiisa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 15-aad kadib weerar rogaal celis ah oo ay ciyaareen xulkiisu.

Kadib goolkaas Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 19-aad ee tartamada waaweyn ee sida koobka adduunka iyo tartanka Euro-da tan ilaa markii uu kulankii ugu horeeyay saftay.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga kaliya ee taariikhda kubada cagta dhaliyay goolashaas ee ka ciyaara qaarada yurub ama u ciyaara xul qaarada yurub ah isaga oo la bar- baro ah xiddiga reer Germany ee Miroslav Klose.

Image


Source: laacibfm

SHARE