Dalabka Cusub Ee Ay Arsenal Ka Gudbinayso Saxiixa Ben White Oo La Ogaaday.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay miiska soo saarto dalab ka fiican midkii ay Brighton ka diiday ee ay ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe ee Ben White.

Kadib markii ay kooxda isaga tageen xiddigaha David Luiz, Sokratis & Shkodran Mustafi, Mikel Arteta ayaa doonaya in uu la soo saxiixdo daafac dhexe oo cusub suuqa xagaagan.

Gunners ayaa laga diiday dalab 40 milyan oo euro ah todobaadkii hore kaas oo ay ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe ee White kaas oo ka qayb qaadanaya tartanka Euro 2020.

Haatan wargayska Football.london ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarinayso dalab cusub oo 45 milyan ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Ben White laakiin Kooxda Brighton ayaa la filayaa in ay dalbato 50 milyan oo euro.

White ayaa kooxdiisa Brighton u ciyaaray 32 kulan premier League waxana uu haatan xulka qaranka England kala qayb qaadanayaa tartanka Euro 2020


Source: laacibfm

SHARE