DEG-DEG: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Memphis Depay.

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Memphis Depay kaas oo qaab xor ah ugu soo biiraya kooxda 30 bisha June.

Saxiixa Memphis Depay ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Barcelona kadib markii ay horay ula soo saxiixatay xiddigaha Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal.

Xiddiga 27 Jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis uu ku joogi doono kooxda Barcelona ilaa xagaaga 2023 isaga oo rumeeyay riyadiisa ah in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Memphis Depay ayaa kooxda Barcelona kula midoobaya Tababare Ronald Koeman oo uu kala soo shaqeeyay xulka qaranka Holland waxana uu noqday saxiixii 3-daas ee kooxda Barcelona ee suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali Ninka Doonayo In Uu 4-tan Arin Darteed Kuu Guursado.


Source: laacibfm

SHARE