Hordhac: Somaliya Vs Oman: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiddigaha Ocean Stars Ku Bilaaban Doonaan Tartanka FIFA Arab Cup.

Xulka qaranka Somaliya ayaa la ciyaari doona xulka Oman kulan ka tirsan kulamada is reeb-reebka Koobka FIFA Arab Cup kaas oo ka dhici doona garoonka Jassim Bin Hamad Stadium.

Xulka Somaliya ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay iska xaadiriyaan wareega Group-yada si ay u ciyaaraan tartankoodii ugu weynaa muddo sanado ah.

Dhanka kale Xulka Oman ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ugu cad-cad in ay badiyaan kulanka waxana ay doonayaan in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay aadaan wareega Group-yada.

Kulanka: Oman Vs Somaliya

Tartanka: FIFA Arab Cup

Wakhtiga: 8:00 Fiidnimo

Garoonka: Jassim Bin Hamad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee Rasmi ah ee ay labada xul isaga hor yimaadaan kulan mana jiraan wax kulamo Rasmi ah ama saaxiibtinimo ah oo ay labada xul isku arkeen.

Xulka Somaliya ayaa hal guul ka gaadhay dalalka lagu tiriyo dhinaca carabta 4 kulan oo uu ka hortagay kadib markii uu 5/2 ku xasuuqay xulka Mauritania kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka Pan Arab Games Kaas oo la qabtay sanadkii 1985 gaar ahaan 7-dii bishii August.

Xulka Oman ayaa dalaka qaarada Africa lagu tiriyo la kulmay 2 jeer waxana ay labada kulanba kala kulmeen guuldaro aad u weyn iyaga oo aan wax guul ah ka gaadhin xulalka lagu tiriyo qaarada Africa.

Xulka Somaliya ayaa badiyay kaliya hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay hadii ay tahay kulamo Saaxiibtinimo ama kulamo Is reeb-reeb ah waxa laga badiyay 2 kulan waxana ay badiyeen bar-baro galeen 2 kulan.


Source: laacibfm

SHARE