Lionel Messi Oo Ka Hadlay Guushii Muhiimk Ahayd Ee Uu Xulkiisu Ka Gaadhay Uruguay.

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa u dabaaldegay guushii dalkiisu ka gaadhay Uruguay kulan ka tirsanaa tartanka Copa America kuna badiyeen 1/0.

Xulka Argentina ayaa gaadhay guushii ugu horaysay ee tartanka Copa America kadib markii ay bar-baro galeen kulankii hore ee tartanka Euro 2020.

Xiddiga Lionel Messi ayaa sidii caadada ahayd door weyn ka qaatay guusha xulkiisa isaga oo ahaa xiddigii caawiyay goolka dhashay daqiqiadii 12-aad isaga oo sidaas xulkiisa ugu hogaamiyay guul muhiim ah.

Lionel Messi ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay sawir uu kula jiro xiddigaha Angel De Maria, Nicolás Otamendi iyo xiddigo kale oo xulka qaranka Argentina ah.

Waxana uu Messi raaciyay qoraal ah” Waxa aan gaadhnay guul muhiim ah maanta, waxa ay guushaas na siinaysaa kalsooni kulamada soo socda oo noqon doona kuwo adag”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali Ninka Doonayo In Uu 4-tan Arin Darteed Kuu Guursado.


Source: laacibfm

SHARE