Mesut Ozil Oo Ku Dhigtay Xulka England Kadib Bar-Barihii Scotland.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaan wakhti badan iska lumin kuna digtay xulka England sidoo kale amaanay xulka Scotland kadib markii ay bar-baro ku kala bexeen labada xul kulan ka tirsanaa tartanka euro 2020.

Xulka Sweden ayaa qabtay xulka England oo si weyn loogu saadaalinayay in ay garaacaan xulka Scotland kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Xulka England ayaa ku dhibaatooday in uu saamayn weyn ku sameeyaan kulanka xilli xiddigaha Scotland si fiican u ciyaareen kulanka.

Mesut Ozil ayaa Twitter-kiisa soo dhigay Sawirka William Wallace oo ah Ninkii ka qayb qaatay dagaalkii uu Scotland kula jireen England wakhtigii dagaalka sokeeyo ka jiray England.

Ozil ayaa kadib sawirka sii raaciyay “Ruuxdii William Wallace Ayaa ka buuxda Garoonka Wembley, isaga oo uga jeeda dagaalkii ay xiddigaha xulka Scotland soo bandhigeen”.

Ozil's tweet referenced Mel Gibson in Braveheart


Source: laacibfm

SHARE