Rio Ferdinand Oo Kashifay Sababtii Uu Memphis Depay Ugu Fashilmay Man United.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu xiddiga Memphis Depay ugu fashilmay kooxda Man United.

Xiddiga reer Holland ayaa ku soo biiray Man United xagaagii 2015 isaga oo 34 milyan oo euro ugaga soo biiray kooxda PSV laakiin ku fashilmay kooxda isaga oo kaliya 7 gool dhaliyay 53 kulan oo uu ciyaaray.

Rio Ferdinand oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay arimo badan sabab u ahayd fashilkiisa”.

“Waxan u malaynayaa in wakhtiga, goobta uu yimid iyo waliba da’diisu sabab u ahayd in uu ku fashilmo man United”.

“Waxan u malaynayaa in uu wakhti hore ku soo biiray kooxda Man United waliba uu ahaa xiddig da’yar ah markii uu yimid kooxda”ayuu sii raaciyay.

Depay ayaa suuqii January 2017 ka tagay kooxda Man United isaga oo 16 milyan oo euro ugu biiray kooxda Lyon.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa xagaagan la filayaa in uu qaab xor ah ugu biiro kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixiisa.


Source: laacibfm

SHARE