Waa Maxay Sababta Uu Saxiixa Cusub Ee Barcelona Memphis Depay Dhabarka Maaliyada Ugu Qorto Kaliya “Memphis”

Barcelona ayaa ugu danbeyn dhameystirtay saxiixa xiddiga Memphis Depay, iyadoo weeraryahanka reer Holland uu saxiixay heshiis ilaa xaagaaga 2022/2023 ah laakiin xiddiga reer Holland ayaa sharaxay sababta uu dhabarka maaliyada ugu qorto magaca Memphis laakiin uuna ugu qoran “Depay”.

Xiddiga ayaa ku caan baxay in uu dhabarka dambe ee maaliyada ku qorto Memphis tan ilaa sanadkii 2012 waxana uu xitaa diidaa in loogu yeedho magaca Depay oo uu leeyahay Aabihiis Dennsi Depay.

Aabaha Memphis Depaya ayaa isaga tagay isaga oo ilmo yar ah gaar ahaan jira 4 sano jir taas oo keentay in uu doorto magaca Memphis sabab la xidhiidha in uu diidanyahay magaca aabihiis.

“Waligay ma cafin doono isaga”ayuu Memphis u sheegay BBC

“Ha iigu yeedhina Depay, iigu yeedha Memphis”.

“Ma doonayo in aan sharoxo wixii dhacay sababta oo ah ma doonayo in aan dadka u soo bandhigo ceebtaysa sidaas ayayna wax walba ku dhamaan doonaan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE