XASAASI: James Rodriguez Oo Mar Kale Ku Laabanaya Real Madrid

Tv Laga leeyahay Dalka Colombia ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Everton ee James Rodriguez dib ugu laaban karo kooxda Real Madrid Inta lagu jiro suuqa xagaaga.

James ayaa ka tagay Real Madrid xagaagii 2020, wuxuuna u dhaqaaqay Everton isaga oo ugu biiray heshiis 2 sano ah iyada oo kula biiray Carlo Ancelotti oo ku laabtay Real Madrid todobaadyo ka hor.

Sida laga soo xigtay shabakadda reer Colombia “Gol Caracol” waxaa jirta fursad uu James Rodriguez ugu laabanayo Real Madrid xagaagan iyada oo uu doonayo madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez.

Ancelotti ayaa ka codsaday maamulka in ay dib u soo celiyaan James Rodriguez iyada oo maamulka kooxdu ogolaadeen dalabkiisa laakiin xiddiga reer Colombia ku xidheen shardi ah in uu hoos u dhigo mushaharkiisa sido kale qaab xor ah ugu biiro Real Madrid.

James ayaa dhawaan ka hadlay ku laabashada kooxda Real Madrid kadib markii uu Ancelotti ku laabtay kooxda Real Madrid si uu tababare ugu noqdo kooxda mar kale.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali Ninka Doonayo In Uu 4-tan Arin Darteed Kuu Guursado.


Source: laacibfm

SHARE