Xulka Germany Oo Xasuuq Kubadeed Kula Kacay Portugal Kulan Waali Ahaa Oo Ay Labada Xul Soo Bandhigeen.

Xulka Germany ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka difaacanaya tartanka ee Portugal kulan xiiso lahaa oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Kulanka waxa hadheeyay goolal la iska dhaliyay iyada oo 2 ka mid ah 6-da gool ee laga dhaliyay Kulanka ay ahaayeen kuwo la iska dhaliyay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh iyada oo uu xulka Germany daqiiqadii 6-aadba dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Robin Gosens laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddig kale oo xulka Germany ah.

Xiddiga Kai Havertz ayaa laad xoogan ku laagay goolka xulka Portugal laakiin waxa qabtay Goolhayaha Rui Patrício ka hor inta uuna difaaca Portugal hor istaagin fursad kale oo uu sameeyay xiddiga Toni Kross.

Daqiqiadii 15-aad ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka 1-aad kadib markii uu xiddiga Cristiano Ronaldo dhaliyay gool kadib markii uu baas cajiib ah ka helay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kadib goolkaas xiddigaha xulka Germany ayaa cadaadis xoogan saaray xiddigaha Portugal iyaga oo doonayay in ay ka dhaliyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 35-aad ayuu xulka Germany helay goolka bar-baraha laakiin waxa khalad isaga dhaliyay daafaca Ruben Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Xulka Germany ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka xilli xiddigaha Portugal u adkaysan laayihiin cadaadiskii xooganaa ee uu xulka Germany saarayay.

Daqiqiadii 39-aad ayuu xulka Germany helay goolkii 2-aad waxana mar kale si khalad ah gool isaga dhaliyay daafaca Raphael Guerreiro kaas oo hogaanka u dhiibay xulka Germany.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Germany soo laabasho leh sameeyay waliba ahaayeen kuwa fiican inkasta oo gool looga hor maray.

Xulka Germany ayaa si dar-dar leh ku bilowday qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan waliba sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 51-aad ayuu xulka Germany sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 uu xulka Germany ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Germany ayaa sii waday qaab ciyaareedkooda xilli xulka Portugal uu xaalku ku xumaaday waliba ay garan laayihiin waxa ka khaladamay.

Daqiiqadii 60-aad ayuu xulka Portugal dhaliyay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robin Gosens kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 uu xulka Germany ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Portugal ayaa daqiiqadii 67-aad helay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Germany xasuuqay xulka Portugal.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali Ninka Doonayo In Uu 4-tan Arin Darteed Kuu Guursado.


Source: laacibfm

SHARE