Xulka Qaranka Somaliya Oo Qaatay Tababarkii Ugu Dambeeyay Ka Hor Kulanka Oman Ee FIFA Arab Cup, Sawiro

Xiddigaha xulka qaranka Somaliya ayaa soo afjaray isku diyaarinta kulanka adag ee ay Axada la ciyaari doonaan xulka Oman kulan ka tirsan is reeb-reebka tartanka FIFA Arab Cup ee ka dhici doona dalka Qatar.

Xiddigaha xulka Qaranka ayaa tababar ku qaatay caasimada dalka Qatar ee Doha saacadihii la soo dhaafay iyaga oo isku diyaarinaya kulanka ay la ciyaari doonaan xulka Oman.

Tababaraha hogaaminaya xulka qaranka ayaa xiddigaha siiyay tababar adag oo ay isugu diyaarinayaan kulanka somalida oo dhan sida weyn u sugayo meel walba oo ay adduunka ka joogaan.

Xiddigaha xulka Qaranka ayaa qaatay tababarka noocayadiisa kala duwan iyaga oo isugu diyaarinaya kulanka Oman kaas oo ay isha ku hayaan in ay guul ka gaadhaan.

Xulka Somaliya ayaa Group-ka A kaga qayb gali doona tartanka FIFA Arab Cup hadii ay dhaafaan xulka Oman.

Halkan Hoose Ka Daawo qaybo ka mid ah sawirada xiddigaha xulka Somaliya qaateen ka hor kulanka.

Image

Image

Image

Image

Image


Source: laacibfm

SHARE