Barcelona Oo Juventus Ka Doonaysa Xiddig Lama Filaan Ah.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayso inay xagaaga u dhaqaaqdo Saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Juventus Aaron Ramsey.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa kaliya dhaliyay 6 gool 65 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Juventus tan ilaa markii uu qaab xor ah ugu biiray xagaagii 2019.

Ramsey ayaa ku dhibataooday in uu si joogto ah ugu ciyaara kooxda Juventus xilli ciyaareedkii dhamaaday sabab la xidhiidha dhaawacyo waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xagaagan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Ronald Koeman in uu doonayo in uu keeno xiddiga khadka dhexe kooxdiisa si uu ugu xoojiyo.

Sida laag soo xigtay El Gol Digital Ramsey ayaa Barcelona u noqday bartilmaameed ay ku xooninayaan khadka dhexe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE