Booska Ay Barcelona Doonayso In Ay Xoojiso Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ka go, antahay in ay kooxdeeda ku soo darto xiddig khadka dhexe ah oo cusub xagaagan.

Kooxda reer Catalonia ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Georginio Wijnaldum, laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ku biiray kooxda PSG isaga oo iska diiday kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay Memphis Depay, halka kooxda ay sidoo kale ku rajo weyn tahay inay heshiis cusub ka cusub ka saxiixato xiddiga Lionel Messi.

Sida laga soo xigtay wargayska Marca, Ronald Koeman Ayaa haatan muhiimada siin doona sidii uu ula soo saxiixan lahaa xiddig khadka dhexe ah oo cusub oo la tartami doona Sergio Busquets, Pedri iyo Frenkie de Jong xilli ciyaareedka dambe.

Miralem Pjanic, Carles Alena iyo Riqui Puig ayaa ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee kooxda Jooga laakiin Keoman ayaa doonaya in uu xiddig khadka dhexe ah ku soo daro kooxdiisa


Source: laacibfm

SHARE