Fabio Capello Oo Saadaaliyay Kooxda Uu Sergio Ramos Ku Biiri Doono Kadib Markii Uu Ka Tagay Real Madrid.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Fabio Capello ayaa saadaaliyay kooxda uu Sergio Ramos ku biiri doono kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa khamiistii xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Real madrid kadib markii uu ku fashilmay in uu heshiis cusub la gaadho kooxda Los Blancos.

Sergio ayaa isaga tagay real Madrid kadib 16 sano oo uu joogay kooxda waliba kula guulaystay koobab badan lana gaadhay guulo badan oo taariikhi ah.

Fabio Capello oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan arkay Oohintii Sergio Ramos, Real Madrid waxa ay ku taalaa qalbigiisa waxana uu kooxda ka noqday Halyeey”.

“Waxan umalaynayaa in uu ku biiri doono kooxda PSG laakiin hadii aan ka hadlo horyaalka ugu fiican isaga waa horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE