Madaxweynaha Barcelona Ee Joan Laporta Oo Kashifay Tirada Saxiixyada Cusub Ee Ay Keeni Doonaan Kooxda Kadib Saxiixa Memphis Depay.

Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixii 4-aad ee suuqa xagaagakadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Memphis Depay kaas oo ay qaab xor ah ula soo wareegtay.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporte ayaa sheegay in uuna wali dhamaan dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga kooxda Barcelona isaga oo sheegay in ay kooxdu samayso saxiixyo kale todobaadyada soo socda.

Laporta oo waraysi siinaya La Vanguardia ayaa sheegay in ay kooxdu wali ka shaqaynayso saxiixa 3 ilaa 4 xiddig oo cusub marka laga yimaado saxiixyada ay ilaa haatan dhamaystireen.

“Waxa aan samaynaynaa koox u tartanta koobabka, haatan waxa aan aragnay markii aan la soo saxiixanay xiddigaha Eric Garcia, Sergio Aguero, Emerson Royal iyo Memphis Depay”ayuu yidhi.

“Waxa intaas sii dheer in aan ku dhawnahay saxiixa xiddigo kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE